Warbixin: Caqabadaha Hortagan dhismaha Maamulka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe,

by Mohamed Abdi Saney | Monday, Nov 23, 2015 | 351 views

Dhismaha dowlada Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ayaa tan iyo markii Magaalada Muqdisho lagu Saxiixay dhismaha Maamulka Labad Gobol, ayaa waxaa soo wajahay Caqabado Fara badan,

Caqabadaha ugu badan ee Xiligan Hortagan dhismaha Dowlada Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ayaa waxaa ka mid ah Goobta lagu qabanayo shirka, Xaruunta Dowlada Goboleedka, Awood qeybsiga Ergad ka qeyb galeysa shirka, Xildhibaannada Barlamaanka Dowlada Goboleedka, iyo Gobolka uu ka imanayo Madaxweynaha Maamulka labada Gobol, kuwaaso dhamaantoo caqabad ku ah dhismaha Maamulka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe,

Wasarada Ariimaha Guudaha iyo Federaalka oo dhawan ku dhawaqaday Guddi Farsamo oo ka koobam 14 Xubnood islamarkana ay si weyn ugu biyo diideen Siyaasiinta waxgaradka Haweenka,dhalinyarada, Odayasha dhaqanka,iyo qeybaha kala duwan ee bulshad ku dhaqan Gobolka Hiiraan iyado Bananbax iyo shirar looga so horjeedo Guddiga Farsmada lagu qabtay Magaalada Baladweyne,

8-dii Bishii Agosto 2015 shir ka dhacay Xaruunta Madaxtooyada Soomaliya ayaa lagu Saxiixay Heshiiska Dhismaha Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ayaa waxaa Goob joog ka ah, Madaxda Dowlada Federaalka Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Gudoomiyeyaasha Labada Gobol iyo Beesha Caalamka shirka ayaa looga dhawaaqay in la dhisayo Guddiga farsamada 14 Maalmood Gudahood shirkana furmayo Kowda Bishii September, hasse ahaatee Wasarada Ariimaha Guudaha iyo Federaalka ay ku dhawaqaday in dib loo dhigay shirka Maamulka labada Gobol, Taaso muujineysa in uu jiro Caqabado hortagan, Shirka.

Dad badan oo Odorasa Siyaasadda Soomaaliya waxay aaminsan yihiin in Dowladda Federaalka ay ka gaabineyso dhismaha  Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,

1 Kala aragti duwanaanshaha iyo khilaafka durbaba ka dhashay habka loo marayo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe,
2 Dowladda Federaalka oo raadineysa Hab cusub oo lagu maareenayo Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Maamulka. Labada Gobol,

3 Dadka qarkood ayaa qaba in dowlada Federaalka ay u aragto in dib loo dhigo dhisidda Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe si ay marmarsiyo ugu dhigato in waqti ku darsato si ay u tiraahdo waxaan dhameystireynaa Hirgalinta Nidaamka Federaalka.

4  Bellaha dega Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe oo beell kaste ay dooneyso in ay iska dhax aragto Hogaanka ugu sareeya Dowlada Gobolladka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe,

Shirka_Hiiraan_Shabeellad_Dhexe (1)

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraan Xog,

Beledweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir,

Hiiraanxog@gmail.com,

Sanka4229@gmail.com,

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response