Maleeshiyo laga Saaray Beledweyne iyo Maamulka oo ka hadlay,

Ciidamada Maleeshiyada ah ee dhawan la wareegay Xeradii Ciidanka Daraawiisha iyo qeybo ka mid ah Magaalada Baladweyne kuwaaso ka careysan Dilkii loo geystay Madaxii Ha’yada Miino barista Qaramada Midoobay ee Main Action ee Gobolka Hiiraan Allaha uu naxariiste Mahadi Xuseen shiikhaal ayaa gaabi ahanba laga saaray Magaalada Baladweyne,

Guddoomiye Ku xigeenka dhanka Ariimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in Ugaas cabdiraxmaan Ugaas khaalif iyo odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ay ku Guuleysteen in Ciidamada maleeshiyada ah laga saaro Magaalada Baladweyne kuwaaso in Muddo ah ku sugan Magaalada islamarkana dhowr mar Xiray wada laamiga ee isku Xirta Beledweyne iyo qeybo ka mid ah Gobollada dhexe,

Sido kale Guudoomiye ku Xigeenka dhanka Ariimaha Bulshada Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in Xaaladda Magaalada Baladweyne ay tahay mid degan kadib markii lagu Guuleystay in Ciidamada maleeshiyada ah laga saaray isago sheegay in hadda Ciidamada maleeshiyada ah ay dib ugu laabteen deegannadii markii hore ay ka yimadeen,

Magaalada Baladweyne ayaa Muddo Todobad ka badan  waxaa ku Sugan Ciidamada Maleeshiyada ah oo ka Careysan dilkii Mahadi Xuseen Macow(Shiikhaal) oo 14-kii bishan Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlad ay ku dileen Magaalada Baladweyne,

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraan Xog,

Beledweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir,

Hiiraanxog@gmail.com,

Sanka4229@gmail.com,

Hiranxog@gmail.com,

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply