DAAWO SAWIRADA: Odayasha Dhaqanka Galmudug iyo Puntland oo Saddex Qodob ka Soo Saray Colaada Galkacyo,

by Mohamed Abdi Saney | Monday, Nov 23, 2015 | 205 views

Kulankan oo ay ka qeyb galeen Waxgarad, odayasha dhaqanka,iyo Ganacsato ka soo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo puntland ayaa Maanta lagu qabtay Bartamaha Suuqa Ganacsiga ee Magaalada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug,

Waxgaradka iyo odayasha dhaqanka labada dhinac ayaa soo saaray Qodobo, dhowr ah oo lagu xalinayo Dagaalkii Shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

1 in Xabad la joojiyo.

2 in la kala qaado Ciidamada is hor fadhiya ee kala taabacsan Maamullada Galmudug iyo Puntland,

3 in wada hadal lagu dhameeyo dagalkii shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo,

Magalaada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal u dhexeya Ciidamada Dowlada Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Puntland,islamarkana sababay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Ciidamadii dagalamay iyo dad shacab ah,

Ciidamada dowlada Goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay labo Askari oo ka Tirsan Ciidamada Maamulka Puntland, kuwaaso ku dhaawacmay dagalka, inkastoo markii dambe lagu wareejiyay Ehelada labadan Askari,

odayasha dhaqanka galkacyo (8) odayasha dhaqanka galkacyo (9) odayasha dhaqanka galkacyo (1) odayasha dhaqanka galkacyo (2) odayasha dhaqanka galkacyo (3) odayasha dhaqanka galkacyo (4) odayasha dhaqanka galkacyo (5) odayasha dhaqanka galkacyo (6)

Siraaje Yuusuf Sugaal,

Xafiiska wararka Hiiraan Xog,

Gaalkacyo,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir,

Hiiraanxog@gmail.com,

Hiranxog@gmail.com,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response