Al shabaab oo Gobolka Jubbada dhexe ku dilay Saraakiil Tageertay uruka Daacish,

Waraka aynu ka helnay dadka degaanka iyo ilo kale ayaa xaqiijinaya in weerar gaadmo ah oo Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabab ay ka gaysteen duleedka tuulada Guduudey lagu dilay afar qof oo uu ka mid ahaa Sheekh Xuseen Cabdi Geeddi oo horey uga mid ahaa saraakiisha  Al-Shabab.

Sheekh Xuseen Cabdi Geedi iyo xubnaha kale ayaa la sheegay inay taageereen ururka Daacish ciidamana ay urursanayeen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Sheekh Xuseen uu ahaa hoggaamiyaha Koox  ka baxday Al-Shabab ee taageerada u fidisay Daacish.

Hore waxa uu ninkaasi usoo noqday Ku Xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe ee Al-Shabab, Sidoo kale waxa uu Al-Shabab uga soo shaqeeyey Magaalada Kismaayo.

Faahfaahin badan lagama hayo afarta qof ee kale ee la dhintay Sheekh Xuseen Cabdi Geedi.

Xigasho VOA     





Be the first to comment

Leave a Reply