Madaxweyne Xassan Sheekh’’Bullshada Soomaaliyeed ayaa go’aamin doonto aayaha dalka ee sanadka 2016-ka,

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay halka uu marayo shirarka wada tashiga qaran ee looga hadlayo aayaha dalka iyo doorashooyinka sanadka 2016.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay go’aan ka gaari doonaan aayaha dalka, isagoo ku baaqay in la adkeeyo midnimada Umadda.

Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay wadatashiyadii ka dhacay qaar ka mid ah gobollada ee looga hadlayay aayaha dalka, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in bulshada ay yihiin kuwa go’aan ka gaaraya aayaha 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa xusay in muhiimadda wada hadalkaasi uu yahay in dadka Soomaaliyeed loo bandhigo waxa la doonayo iyo sida ay u arkaan qaabka looga gudbi karo marxalada hada lagu jiro.

“Labo waddo ayaa noo furan, tan koowaad waxa ay tahay Muqdisho ayaan joognaa ee aan dhahno halkan halagu qabto talada kale ee aayaha dalka oo aan wada gaarno go’aan, tan labaad waxa ay tahay Muqdisho oo kaliya ma ahan dalka, dalka wuu balaaranyahay ee bulshada inteeda kale haloo geeyo talada, oo aan wada gaarno go’aan mid ah, wadatashiga wadada loo marayo haka taliyeen, midda ay u bataana taladeeda iyo go’aan ka gaaristeeda iyo dowladnimada cusub go’aan haka gaareen” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ay muhiim tahay ahmiyada ay bulshada u leedahay in ay noqdaan kuwa midnimada ka shaqeeya, waxaana uu intaa ku daray in wadatashiyadii ka dhacay gobolada dalka iyo caasimadda ay muujineyso inay jirto midnimo siyaasadeed.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ku bogaadinayaa, iyo maamulada heer federal iyo heer gobol inaan sii xoojinayo midnimada oo aan hal far wax ku wada maamulno, wixii yar yare e jirana aan u xalino si hoose, amuuraha heer Qaran oo dhan waxaan u wajahaynaa anagoo mid ah”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa tilmaamay in in go’aan ka gaarista talada dalka ay lahaan doonaan ummadda Soomaaliyeed wixii ka dambeeya sanadka 2016-ka, isagoo u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay fikir uruurintii laga sameeyay guud ahaan dalka.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply