Diyaarado dagaal oo duqeeyay Saldhig ay Al-shabaab ku lahayd Gobolka Shabeellada Hoose

Diyaarado dagal oo xalay duqeyn ka geystay Saldhig Al shabaab ay ku lee yihiin Deegaanka Beledul-amiin oo Hoos Taga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha ,

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lala beegsaday saldhig ay AL-shabaab ku lahayd duleedka degaankan, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan in sideed ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee saldhiggaas ku sugnaa ay dhinteen, halka shan kalena ay dhaawacmeen.

Shacabka ku nool deegaannada ku dhow-dhow Beledul-amiin ayaa sheegay inay maqleen duqeyntii xalay lala beegsaday saldhigga Al-shabaab; iyagoo xusay in ay maqleen saddex gantaal oo ku dhacay goobtaas; kuwaasoo jugtoodu ahayd mid culus.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta xalay loo geystay saldhiggooda, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo diyaarado dagaal ay duqeymo ka geystaan deegaannada ay ka taliso Al-shabaab.

Inta badan duqeymaha noocan oo kale ah ayaa waxaa geysta diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaanno Drones-ka ee ay Mareykanku leeyihiin; kuwaasoo tiro saldhigyo ah oo ay Al-shabaab lahayd horay u duqeeyay.

Ugu dambeyn, diyaaradaha Drones-ka ayaa waxay dhammaadkii sannadkii hore ku dileen agagaarka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, Amiirkii Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane





Be the first to comment

Leave a Reply