Ugaas Cabdiraxmaan iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo ku Guuleystay in Markale dib loo furo wada laamiga ee Baladweyne

Baladweyne Hiiraanxog.com
Baladweyne Hiiraanxog.com

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas khaalif Odayasha dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa ku Guuleystay in maanta markale dib loo furo wada laamiga ee dhaxmarta Bartamaha Magalaada Baladweyne, oo ay xireen Ciidamo maleeshiyada ah oo ka careysan dilkii Mahadi Xuseen Shiikhaal.

Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda dadaalo la doonayo in lagu xaliyo Xiisad ka dhalatay dilki Magaalada loogu geystay Madaxii ha’yada Miino baarista Qaramada Midoobay ee Main Action ee Gobolka Hiiraan, Allaha unaxariiste Mahadi Xuseen Shiikhaal,

Kolonyo Gadiid ah oo galbinaya Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xassan Afrax oo ay weheliyan Ugaas cabdiraxmaan Ugaas Khaalif iyo odayasha dhaqanka ayaa socod ku soo maray wada laamiga ee dhaxmarta Magaalada Baladweyne kuwaaso ka soo dhaqaaqay Xaafadda Nuur Xawaad islamarkana loo galbiyay Xaruunta Maamulka Gobolka Hiiraan,

Dadaaladan ay wadan Ugaas cabdiraxmaan ugaas khaalif iyo odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan, ayaa u muuqada kuwa miro dhali raba maadaam Maanta lagu Guuleystay in dib loo furo wada laamiga ee dhaxmarta Bartamaha Magaalada Baladweyne oo ay xireen Ciidamo maleeshiyada ah oo ka careysan dilkii Allaha uu naxariiste Mahadi Xuseen Shiikhaal, oo Madax ka ah Ha’yada QM ee Main Action, ee Gobolka Hiiraan,

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraanxog,

Beledweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir,

Hiiraanxog@gmail.com.

Saney2019@gmail.com,

Hiranxog@gmail.com,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





About Hiiraan Xog 2103 Articles
Wariye Mohamed Abdi Saney

Be the first to comment

Leave a Reply