Dad shacab ah oo ku Geeriyooday Qarax ka dhacay Maqaayada ku Taalla degmada Bula burde,

by Mohamed Abdi Saney | Saturday, Nov 21, 2015 | 189 views

Inta la ogyahay hal ruux ayaa ku geeriyooday labo kalan way ku dhawacmeen kadib markii Qarax uu ka dhacay maqaayada ku taalla degmada Bula burde ee Gobolka Hiiraan,

Guudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyada degmada Bula burde Liibaan Cabdi burusow ayaa HiiraanXog u sheegay in Qarax uu ka dhacay Goob maqaayad ah islamarkana uu ku geeriyooday Wiil yar labo kalan ay ku dhawacmeen oo dhamaantood ah dad shacab ah, kuwaaso iska laha Maqaayada uu Qarax ka dhacay,

Sido kale Guudoomiye ku Xigeenka dhanka Maaliyada degmada Bula burde ee Gobolka Hiiraan liibaan cabdi burusow, ayaa sheegay in ay jiran dad loo soo qabtay Qaraxan islamarkana baaritaan lagu sameeyn doono,

Xarakada Al shabaab ayaa sannadkii 2013-kii weerar ismiidaamin ah iyo mid Toos ah ku qaaday Hoteel Camalow oo ay deganayeen Guudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan cabdi faraax laqanyo iyo Saraakiisha ka Tirsan Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM waxaan weerarkaas ku geeriyooday in ka badan 20 ruux oo uu ku jiray abaandulihii Ciidanka Xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan, Maxamed Aamin jeesow,

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraanxog,

Beledweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir,

Hiiraanxog@gmail.com,

Saney2019@gmail.com.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response