Ciidamada itoobiya oo Saddex Askari oo Kenyan ah ku Toogtay Xadka labada dal,

by Mohamed Abdi Saney | Saturday, Nov 21, 2015 | 321 views

Ciidamada Itoobiya ayaa Toogasho ku dilay Saddex Askari oo ka Tirsan Ciidamada dalka Kenyan ah Xadka kala qeybiya labada dal, Gaar ahaan deeganka Marsabit. Halkaaso Xiisad Coladeed.

Taliyaha Booliska deegaanka Marsabit Mark Wanjala ayaa sheegay in askarta la diley ay roondo ku jireen xilliga ay askarta Ethiopianka ay toogteen.

Inta aan la toogan askartan ayaa la sheegay in iskahorimaad uu ku dhex maray xadka Kenya iyo Itoobiya ciidamada OLF iyo ciidamada Itoobiya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in caaqil lagu magacaabi jirey Guyo Harake lagu diley Khamiistii xadka iyadoo iska horimaadka OLF iyo ciidamada Itoobiya uu gudaha u galay illaa 8km.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay ka soo gudbeen xadka dalka Kenya ayna gudaha u soo galeen dalka Kenya gaar ahaan Moyale iyo Sololo  shan jeer intii u dhexeysay March iyo November.

Dowlada Kenya ayaa cabasho u gudbisay dowlada Itoobiya soo gelitaanka ay ciidamadooda gudaha u soo galeen dalka Kenya.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response