Xaaladda Magalada Baladweyne oo degan iyo dadaalo ay wadan Ugaas cabdiraxmaan iyo odayasha dhaqanka,

by Hiiraan Xog | Friday, Nov 20, 2015 | 242 views

Ugaas cabdiraxmaan Ugaas khaalif Ugaas Rooble iyo odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa wada dadaalo la doonayo in lagu soo afjaro Xiisada ka dhalatay dilkii Magaalada Baladweyne loogu geystay Mahadi Xuseen Shiikhaal oo ah Madaxii Ha’yada Miino barista Qaramada Midoobay ee Main Action ee Gobolka Hiiraan oo dhawan Ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Gobolka Hiiraan ay ku dileen Magaalada Baladweyne,

Ugaas cabdiraxmaan oo ay weheliyan Xubno ka Tirsan waxgaradka iyo odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa kulamo iyo shirar Gooni Gooni ku leh Magaalada Baladweyne islamarkanaa looga hadlayo xalinta Colaadan ka dhalatay dilkii Allaha unaxariiste Mahadi Xuseen shiikhaal,

Inkastoo Xaaladda Magaalada Baladweyne aya degan tahay ayaa haddan dadka ku nool Magaalada waxay ka cabsi qaban in iska horimad dhaxmaro Ciidamada dowlada iyo Ciidamada maleeshiyada ah ee ay isku habey yihiin Marxuunka la dilay oo saaka la wareegay gacan ku heynta qeybo ka mid ah Xaafaddaha Magaalada Baladweyne,

Tan iyo markii Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan ay Magaalada Baladweyne ay ku dileen Sarkaal ka Tirsan UN ayaa waxaa jiro Xiisad ka dhalatay kadib markii Ciidamo maleeshiyada ah oo ay isku habey yihiin Mahadi Xuseen Macow (Mahadi Shiikhaal) ay gabi ahanba ay xiran wada laamiga ee dhaxmarta bartamaha Magaalada Taaso saameyn ku yeelatay isku socodka gadiidka iyo dadka uu kala safra qeybo ka mid ah Magaalada Baladweyne iyo deegannada kale ee Gobollada dalka.

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraanxog,

Beledweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir,

Hiiraanxog@gmail.com,

Saney2019@gmail.com,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response