Ciidamo maleeshiyada ah oo la wareegay qeybo ka mid ah Xaafaddaha Baladweyne,

by Hiiraan Xog | Friday, Nov 20, 2015 | 164 views

Ciidamo maleeshiyada ah oo ka careysan dilkii dhawan Magaalada Baladweyne loogu geystay Mahadi Xuseen Shiikhaal oo Madax ka aha Ha’yada Miino barista QM ee Main Action ee Gobolka Hiiraan ayaa gordhow la wareegay qeybo ka mid ah Xaafaddaha Kooshin iyo Xaawo Taako ee Magalada Baladweyne. Kuwaaso gabi ahaanba xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Magaalada, islamarkana joojiyya isku socodka gadiidka iyo dadka,

Ugaas cabdiraxmaan Ugaas khaalif iyo odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa wada dadaalo la doonayo in lagu xaliyo khaalifkan ka dhashay dilkii Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada ay magaalada Baladweyne ugu geysteen Madaxii ha’yada Miino barista Qaramada Midoobay ee Main Action ee Gobolka Hiiraan Allaha u naxariiste Mahadi Xuseen shiikhaal,

Ciidamada Maleeshiyadan oo dhawan xiray wada laamiga ee isku xirta Magaalada Baladweyne iyo deegannada kale ee Gobollada dalka ayaa Ugaas cabdiraxmaan Ugaas khaalif iyo odayasha dhaqanka ay ku guleeysteen in dib loo furo inkasto Maanta ay dib u xireen islamarkana ay isku balariyeen Xaafaddo ka Tirsan Magaalada Baladweyne, kuwaaso fariisiin Xooggan ka sameeystay Xeradii Ciidanka Daraawiishta ee bartamaha Magaalada Baladweyne,

Goobaha ganacsiga iyo isku socodka gadiidka iyo dadka ayaa hakad galay iyado dadka ay ka cabsi qaban in iska horimaad dhaxmaro Ciidamada maleeshiyada ah iyo Ciidamada dowlada Soomaliya ee Gobolka Hiiraan,

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraanxog,

Nagala soo Xiriir.

Hiiraanxog@gmail.com,

Hiranxog@gmail.com

Sanka4229@gmail.com,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response