Wafdi uu Hogaaminayo Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Gaaray Magaalada Baladweyne,

by Mohamed Abdi Saney | Thursday, Nov 19, 2015 | 174 views

Wafdigan uu hogaaminayay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo ay weheliyan Taliye ku Xigeenka, Ciidanka Nabad Sugida Qaranka, iyo Saraakiil kale ayaa Maanta Gaaray Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan,

Xubnaha wafdiga ayaa markii ay ka soo degan Garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif International Airport ee Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan, loo galbiyay Xaruunta Taliska Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin duleedka Magaalada iyago halkasi kulamo kula qaadanaya Saraakiisha Ciidamada dowlada, iyo kuwa AMISOM mana jiro wax Faah Faahin ah oo ay ka bixiyeen ujeedka Safarkooda,

Wafdigan uu Hoggaaminayo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa qeyb ka noqonaya Xubno wafdiga oo dhawan soo gaaray Magaalada Baladweyne kuwaaso ujeedkooda lagu sheegay in ay baaritaan ku sameeynayan dilkii Magaalada Baladweyne loogu geystay Madaxii ha’yada Miino barista Qaramada Midoobay ee Main Action ee Gobolka Hiiraan Allaha uu naxariiste Mahadi Xuseen shiikhaal oo ay Toogtan Ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Gobolka Hiiraan,

Wasarada Aminga Guudaha Xukumadda Soomaliya ayaa dhawan Guddi ka kooban Todobo Xubnood uu soo dirtay Magaalada Baladweyne si ay baaritaan ugu sameeyn qabka uu dhacay dilkii Magaalada loogu geystay Madaxii ha’yada Miino barista Qaramad Midoobay, ee Main Action ee Gobolka Hiiraan Marxuun Mahadi Xuseen shiikhaal kuwaaso ila hadda ku mashquulsan baaritaanka la xiriira dilka, waxaan la filay in wafdigan uu Hogaaminayo Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ay qeyb ka Noqdan baaritaanka dilkii Mahadi Xuseen shiikhaal,

 

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraanxog,

Beledweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir,

Hiiraanxog@gmail.com,

Sanka4229@gmail.com,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response