Ciidammada Nabad Sugida oo Toogasho ku dilay nin bastoolado ku hubeysnaa oo dilay qof dumar ah

by Mohamed Abdi Saney | Thursday, Nov 19, 2015 | 180 views

Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa ku toogtay gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho shaqsi ku hubeysnaa bastoolad oo gudaha suuqa ku toogtay qof dumar ah.

Dilkan oo ka dhacay suuqa ganacsiga daawada ee bakaaraha ayaa la sheegay in ay ku soo baxeen ciidamo nabadsugid ah kuwaa soo toogasho ku diley ninkii dhalinyarada ahaa ee dilka geystey.

Haweeneyda la diley ayaa magaceeda lagu sheegay Ubax Cali Dhubad waxayna ka mid ahayd dadka ka adeeganayay suuqa bakaaraha.

Lama oga sababta keentay in wiilkan dhalinyarada ah toogto haweeneyda Ubax Cali hase yeeshee waxaa lala xiriirinayaa wiilka ka dambeeyay dilkan inuu ka mid yahay ururka Al-shabaab.

Waa markii ugu horeysay muddo bilooyin ah oo qof dil ka geysta suuqa Bakaaraha oo isla goobtaas lagu dilo.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response