Afar Caruur ah oo ku geeriyootay degmada Yaaqshiid kadib markii la mariyay Sunta Xoolaha,

by Mohamed Abdi Saney | Thursday, Nov 19, 2015 | 243 views

Afar Caruur ah oo isla dhalatay ayaa ku geeriyootay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir kadib markii Abaha dhalay Caruurtan uu jirkooda mariyay Sunta Xoolaha taaso keentay in markii dambe ay Geeriyoodan Afartan Caruurta waxan jira mid kale oo la Xanuusan,

Caruurtaan ayaa la sheegay in maalmihii dambe jirkooda uu kasoo baxay Nabarro, kuwaasi oo la sheegay in ay lahaayeen cun cun, balse waalidkii dhalay caruurta u arkeen in lagu daweyn karo suntaasi oo jirka loo mariyo caruurtooda.

Qof ka mida dadka ay dariska yiheen Qoyska caruurtoda ay geeriyootay ayaa sheegay in shan caruura sunta loo mariyey Xalay saakana ay soo tooseen iyagoo aad u xanonsanaya .kadibna loola cararay isbitaalka uu afar ka mida ay ku geeriyodeen.

Saalax Cumar Max’ed oo ka mida Maamulka degmada Yaaqshid ayaa dhankiisa sheegay in ay goobta tageen waxana uu tilmamay in caruurta ay jirkoda nabaro ku yileen kadibna markii la mariyey suna ay jirka kale ku faaftay.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response