WARBIXIN: Saaxiibkey Axmed Xasan Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka – YUUUSUF GARAAD

by Mohamed Abdi Saney | Wednesday, Nov 18, 2015 | 196 views

ALLAHA ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, in badan ayaan war isla qorsheynay, isla qornay oo isla qaabeeynay. Aad ayay ii dhibeysaa in aan maanta qalinka u qaado inaan wax ka qoro Cawke anigoo adeegsanaya fal tagto ah sida wuxuu ahaa.

Xaqiiqdu waxay tahay Axmed in uu ahaa nin mihnaddiisa ku sameeyay magac aad u weyn, magaca ugu weyn ee laga sameyn karo. In uu ahaa nin qoys unkay oo barbaariyay, nin saaxiibbo badan kasbaday nin dad badani ay aqoon guud ka kororsadeen nus qarnigii uu saxaafadda ka shaqeynayay inta badanna uu kaalin hormuud ah uga jiray. Markaa waxaan u arkaa nin xusuusta laga qabi karaa ay tahay mid isugu jirta, wanaag, farxad, ku dayasho xagga horumarka shakhsigu ka gaari karo shaqadiisa iyo in Ilaaheey looga mahadnaqo in uu Soomaali ka dhaliyay.

Axmed waxaan isku baranay goob shaqo, waa Radio Muqdisho horraantii siddeetamaadkii, isaga oo magaciisa iyo sumcadda uu bulshada ku dhex lahaa ay cirkaa mareyaan. Waxaan berigaa jeclaa in aan baaritaan ka dib diyaariyo qormooyin ku saabsan dhacdooyika markaa taagan ee xiriirka caalamiga, difaaca iyo bulshada, kuwaas oo ahaa sida aan Raadiyaha ku soo galay.

Maalin ay ii diyaarsanayd qormo wanaagsan oo aan ugu talo galay Bandhigga Raadiyaha laakiin uu codku iga xirnaa ayaan Cawke ka codsaday in uu tebiyo. Waxaan aad ula yaabay sida ay dadku u wada xiiseeyeen warbixintii. Intii ka dambeysayna waxaan doorbidi jiray in uu Cawke akhriyo warbixinnada aan diyaarin jiray marka aan Raadiyaha ku cusbaa markaana waxa aan sheegayo la fahmayay laakiin aan cidina magceyga aqoon.

Telefishinka Qaranka markii la furay, in yar kaddib ayuu ku biiray oo uu barnaamijyo ku yeeshay. Wuxuu ka mid noqday weriyayaasha tirada yar ee ka wada shaqeeya Raadiyaha iyo Telefishinka – sida; Maxamed Cumar Haydara, Axmed Cabdinur, Shukri Maxamuud Afrax iyo Sacdiya C/llaahi Salaad oo markii dambe ay Cawke is guursadeen isuna dhaleen Xasan iyo zakariye oo isagu hadda Barnaamij Telefishin sii daaya.

Berigii dambe waxaa uu noqday Af Hayeenka Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Taas Axmed wax badan ayuu ka bartay. Waa marka koowaade hoggaamiyihii dalka ka talinayay muddada dheer, khibrada badnaa, aadna loo eedeyn jiray run & beenba, ayuu la shaqeeyay, la noqday wehel, fursadna u helay in uu u kuurgalo qofka uu yahay. Waxaa uu ka bartay sida loola kulmo Boqorrada Carbeed iyo hoggaamiyeyaasha Afrikaanka iyo sida qasriyada iyo Madaxtooyada dalalkaasi ay u kala dhismo, dhar iyo dhaqan duwan yihiin.

Waxaa kale oo ay isbartiin Madaxdii iyo intii kale ee ka ag dhoweyd. Marar badan Cawke wuxuu soo qaadan jiray sheekooyin uu ka maqlay Xuseen Kulmiye Afrax.

Wuxuu ka bartay koofiyad-castii ay baabuurta siiblaha ah kuwada safri jireen, sida loogu cuno daqiiqadaha ugu yar raashin kulul. Khibradaas oo markii dambe uu uga faa’iideystay Bush House in isagoo wakhtigu ciriiri ku yahay uu haddana soo qadeyn karo shaqadiisana gudan karo.

Markii ay qabtu dhacday oo uu u qaxay Kenya ka dibna Uganda, waxaan ku xiriiri jirnay telefoonka. Waxaan mar kale isugu nimid London oo aan kawada shaqeynay BBC-da. Waxaan safar shaqo ku wada marnay magaalooyin badan oo Bariga iyo Geeska Afrika ah.

Raadiye iyo Telefishin;

Saxaafadda gaar ahaan raadiye iyo telefishin, siiba marka ay tebin toos ah yihiin, waxay ku qotomaan qorsheyn biyo kama dhibcaan ah, diyaar-garow ku saleysan maskax, xowli lagu qabto howsha, gooreyn warbixin kasta xilliga la tebinayo iyo inta ilbiriqsi ama daqiiqadood ee laga dhigayo si loo helo xog iyo xilli isku sargo’an. Waxaa kale oo muhiim ah tebidda wixii harsan iyo odoroska wax kastoo dhici kara oo aan qorshaha hadda ku jirin sida haddii ay dhacdo inay waxa lagu talo-galay waxba ka qabsoomi waayaan iyo waxa gudboon in la yeelo, suurta-galna noqon kara.

Sidaa darteed, shaqada Raadiyaha iyo Telefishinka waa howl-wadareed oo qof keliyihi ma qaban karo. Weriye kastaa wuxuu kaalin ku leeyahay dheriga la wada karinayo oo ah bar-naamijka la soo saarayo – war, waxbarasho iyo mid bulsho midka uu ahaadaba.

Qorshahaas oo laga yaabo in dhowr casho & ka badan ay koox dhami kasoo shaqeyneysay waxaa dili kara ama nooleyn kara waa tebiyaha oo ah qofka farriinta qaadaya ee dhegeys-taha iyo daawadaha ugu gelaya gurigiisa, xafiiskiisa, makhaayadda, ama la raacaya gaariga si uu farriinta ugu gudbiyo.

Haddii aad koox kubbadda cagta ka soo qaaddo, tababbar kasta oo la siiyo iyo quwad kasta oo ay kooxdu leedahay waxay isugu biyo shubaneysaa gool dhaliyaha oo ay tahay in uu ka tarjumo. Tebiyuhu wuxuu u dhigmaa Gool dhaliyaha.

Wariye Axmed Xasan Cawke kaalinta uu ugu wanaagsanaa oo Ilaah hibada u siiyay oo cid ku gaarta aanan anigu ilaa hadda arag, waa kaalinta tebinta. Sababtaas ayaa ka dhigtay in uu mar kasta lafdhabar u ahaado marba kooxda ay Barnaaij wada diyaarinayaan.

Dhanka kale, maaddaama ay Saxaafadda inteeda badani ay tahay howlwadareed, waxay u baahan tahay dulqaad, dad afgarad, furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan.

Axmed intaas iyo ka badanba wuu lahaa. Waxaa u dheereyd in uu ahaa nin maad badan oo iyada oo shaqo adag lagu jiro haddana dadka ka qoslin kara oo illowsiin kara daalka iyo werwerka.

Hibo ALLE;

Marxuum Axmed Xasan Cawke, wuxuu ahaa shaqsi khibrad aad u dheer u leh nolosha iyo warfaafinta. Wuxuuna ahaa nin Ilaaheey heybad u siiyay waxa loo yaqaan mikrofoonka. Hadduu yahay mid Raadiye, mid Telefishin iyo midka fagaarayaasha la isugu soo baxo.

Hibadaasi waxay isugu jirtay waa marka koowaade in aanay maskaxdiisa iyo qalbigiisa meel ku lahayn waxa loo yaqaan qajilaaad ama fal-ka-nax. Cid kasta oo lala hadlayo wuxuu Allah garansiin jiray sida wax looga dhaadhiciyo ama ugu yaraan intaa uu hadlayo ayuu maskaxda ka qabsan jiray.

Wuxuu lahaa cod u gaar ah oo ku fiican dhegeysiga, isaguna si wanaagsan ugu tababbartay hadba sida loo rog rogo, kor in loo qaado iyo in hoos loo dhigo, in la boobsiiyo iyo in si tartiib ah loo yiraahdo, in la sii cusleeyo iyo in la khafiifiyo. Aammus marka loo baahan yahay si ay dadku u fahmaan, ugana yara fekeraan waxa aad u sheegtay iyo inta ilbiriqsi ee uu noqonayo aammuskaasi. Codkaas ma ahan keliya in inta af Soomaaliga ku hadasha ee barnaamijyadiisa ku taxani ay qiran yihiin. Waxaa qiray dad aan af Soomaaliba ku hadal. Waa farsamayaqaanna gabdhaha iyo wiilasha leh ee Ingiriis iyo dhalashooyin kale isugu jira ee ka shaqeeya istuudiyayaasha BBC.

Taas ayaa keentay in uu Axmed ka duwanaado weriyayaasha badankood oo iyagu dhinac uun ku kooban ama u badan. Axmed wuxuu ahaa nin isku si ugu wanaagsan barnaamijyada wararka, kuwa cayaaraha, waxbarashada iyo dunida madaddaalada.

Hibada kale ee Alle siiyay Axmed oo sidoo kale uu ku darsaday dadaalka iyo baaritaanka, waa in uu ahaa nin aqoon fiican u leh afka, dhaqanka iyo degaannada Soomaaliga. Wuxuu aad u xiiseyn jiray af guriga degaannada kala duwan ee Soomaalida.

Dabeecad-wanaag;

Xagga shaqsiyada, Axmed wuxuu ahaa nin aan calool-ku-qaad iyo uurxumo aqoon. Haddii aad is qabataan wuxuu ahaan jiray nin durba ka soo noqda carada. Marka ay dhacdo in uu soo laaban waayana, waxaad hubtay in marka aad adigu ka dalabto is afgarad in aad ugu tegeyso isfaham iyo heshiis dhab ah.

Wuxuu ahaa nin dhug leh oo asaga oo aan muujin lagana dareemin, haddana si aad ah ula socda dadka hareerihiisa ah ee ay wada shaqeynayaan sida ay iyagu isula macaamilyaan. Midka howsha hagranaya, kan cinaadka wada, midka xanta hoose gudbinaya, midka qof hadal u dusinaya, midka aan la isku haleyn karin, kan caga jiidaya, kan isbeen farriimaya iyo kuwa la midka ah (ikm).

Sidoo kale wuxuu la socday midka kaalintiisa gacan ku siiya, kan dadaalka badan, kan khatar ka diga amaba ka xalliya, midka khalad ka saxa, midka si hagar la’aan ah howsha ula fuliya ikm.

Xagga howl-karnimada, sanadihii aan London kawada shaqeynay, Axmed Xasan Cawke waxaa ka muuqday firfircooni aad u badan iyo ku kalsoonaan shaqadiisa.

Wuxuu ahaa nin xarrago jecel oo si wanaagsan u lebbista, ilaaliya muuqaalka timihiisa iyo garka iyo shaaribka uu caanka ku ahaa.

Axmed wixii aan isla soo marnay, waxa aan kala kororsannay, howlaha aan isla qabannay, inta aan isla safarnay, inta aan kaftannay inta aan aan wax u soo joognay, ma ahan kuwo aan qormo iyo laba ku soo koobi karo.

Axmed wuxuu ahaa nin salaada ku fiican. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa naxariista Janno in uu siiyo. Qof kasta oo codkiisu gaarayna waxaan ka codsanayaa in haddii ay jiraan wax ka tabanayaan ay cafiyaan, una duceeyaan.

Magaalada Muqdisho;

Dad badan ayaa shalay iyo xalay iiga tacsiyadeeyay geerida Axmed Xasan cawke iyaga oo ka fekeraya inaan wada shaqeyn jirnay saaxiibna ahayn. Nin ka tirsan madaxda Sportigu wuxuu xalay ii sheegay in iyaga oo dhowr ah ay isu yimaadeen oo ay Ilaaheey u baryeen. Cayaaraha Gobollada ayuu noo raaci jiray ayuu raaciyay.

Wasiir hooyadii dhimatay oo aan tacsi ugu tagay, waxay xildhibaano ag-joogay u sheegeen wasiirka inuu anigana iiga tacsiyeeyo geerida Cawke.

Shalay markii aan warkaan naxdinta leh maqlay, qoraal aad u kooban ayaan Facebook-ga dhigay. In ka yar 14-saacadood, waxaa ducada Cawke soo qoray 2,794-qof, waxaana share gareeyay 432-qof.

Waxaase i taabatay markii xalay meel isbaaro taallo oo mugdi ah uu soo istaagay baabuur aan la socday. Askarigii noo yimid ayaa darawalkii ku amray inuu nalka gudaha shido. Askarigii markii uu i aqooday ayuu baabuurka la soo wareegay oo dhankeyga yimid. Intuu i salaamay ayuu yiri Cawke Allah ha u naxariisto adigana samir iyo iimaan.

W/Q: Yuusuf Garaad Cumar Axmed

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response