Mudanayasha Baarlamaanka Federaalka oo loo qeybiyay Sharciga Xuquuqda Madaxda dalka

by Mohamed Abdi Saney | Wednesday, Nov 18, 2015 | 144 views

Xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta loo qaybiyay mashruuc la xiriira xuquuqda mas’uuliyiinta xilka ka taga ama geeriyooda iyagoo xilalka haya,

Mudanayasha Baarlamaanka Soomaliya ayaa loo akhriyay markii saddexaad hindise-sharciyeedka maal-gashida shisheeye, kaasoo kulankii koowaad ee kal-fadhigan maraya akhrinta labaad.

Sidoo kale, waxaa la qaybiyay sharci ku saabsan xuquuqda ay yeelanayaan siyaasiyiinta dowladda federaalka ah. Mashruucan ayaa waxaa soo diyaariyay guddiga xeer-hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka xildhibaanada baarlamaanka.

Sharcigan ayaa wuxuu ka hadlayaa xuquuqda ay leeyihiin madaxweynayaasha xilka ka fariistay, kuwa xilka caafimaad darro awgeed uga fariistay, carruurta madaxweynaha geeriyooday, isagoo xil haya, afadiisa, xuquuqda xildhibaanada, guddoomiyeyaasha labada aqal iyo haddii ay carruur iyo xaasas ka tageen.

Dhanka kale, waxaa kaloo uu ka hadlayaa xuquuqda ra’iisul wasaaraha xilka ka tagay ama geeriyooday, ku xigeennadiisa, guddoomiye ku xigeennada baarlamaanka, carruurtooda iyo haweenkooda, xildhibaannada, wasiirrada iyo dhamaan xuquuqda siyaasiyiinta dalka.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response