DHAGEYSO: Odayasha dhaqanka Hiiraan oo Soo Saaray Afar Qodob oo hordhac u ah Xalinta Coladii Beledweyne,

by Mohamed Abdi Saney | Wednesday, Nov 18, 2015 | 184 views

Guddi ka kooban 17 Xubnood oo odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ay xil sareen Xalinta khaalifkii ka dhashay dilkii Magalaada Baladweyne loogu geystay Madaxii Ha’yada Miino barista QM ee Main Action ee Gobolka Hiiraan ayaa soo saray Afar qodob oo hor dhac u heshiis laga gaaro khaalif ka dhashay dilkii loo geystay Mahadi Xuseen Shiikhaal,

Maxamed Cabdi maxamuud, oo ka mid ah xubnaha Guddiga oo wareysi siiyay Hiiraan Xog, ayaa sheegay in Guddiga ay soo sareen qodobo ay ka mid yihiin ,

1 in si shuuruud la’aan ah loo furo wada laamiga ee dhaxmarta Bartamaha Magaalada Baladweyne islamarkana ay ku guuleysteen in dib loo furo wada laamiga,

2 In ciidi ka dmabeysay dilka marxuunka la waafajiyo shareecada islaamka.

3 Inaan la siyaasadeeyn fulinta howlasha socota.

4 in lala kaashado ciid kaste oo gacan ka geysan karta xalinta khilaafka ka dhashay dilkii Mahadi Xuseen Shiikhal,

Sido kale Maxamed Cabdi maxamuud ayaa sheegay in Guddigooda ay ku guuleysteen iyago kaashanaya Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas khaalif in dib loo furo wada laamiga oo Muddo Saddex Maalin ay xireen Ciidamo maleeshiyada ah oo ay isku habey yihiin Marxuunka la dilay,

Maxamed cabdi Maxamuud ayaa sheegay in Guddigooda ay rajo badan ka qaban in xal laga gaaro khaalifka ka dhashay diilkii magaalada Baladweyne loogu geystay Mahadi Xuseen Shiikhaal oo Madax ka ah Ha’yada Miino barista Qaramada Midoobay ee Main action ee Gobolka Hiiraan,

Ugu dambeyntii ,Ugaas cabdiraxmaan ugaas khaalif iyo Xubno ka Tirsan Gobolka Hiiraan ayaa galinkii dambe ee shalay ku guuleystay in dib loo furo wada laamiga ee isku xirta Magaalada Baladweyne iyo deegannada kale ee Gobollada dalka,oo muddo saddex maalin ah ay xireen Ciidamo ay isku habey yihiin Marxuunka la dilay,

Halkan ka dhageyso,

Hiiraanxog.com

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraanxog.

Beledweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir,

Hiiraanxog@gmail.com,

Sanka4229@gmail.com,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response