Ciidamada Booliska Wadanka Faransa Ee Magaalada Paris ayaa Weraray’Guri

by Hiiraan Xog | Wednesday, Nov 18, 2015 | 158 views

 Ciidamada Booliska Wadanka Faransa Ee Magaalada Paris ayaa guluf colaadeed ku qaaday guri la sheegay inay ku jiraan rag hubaysan Magaalada Paris ee dalka Faransa.

Booliska kolkii ay weerarka ku qaaden guriga ayaa waxaa iska hor imaad kala hor yimid ragii hubeysnaa ee guriga ku jiray, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Booliska waxa ay qirteen in dhankooda ay jiraan dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah Askartii howlgalka fulinaysay.

Warbaahinta dalka Faransa ayaa soo tabisay goor dhaweyd ciidamo badan oo Millateri ah oo xoojinaya howlgalka Booliska in lagu daadiyay Xaafada howlgalka uu ka socdo oo lagu magacaabo Saint Denis ee waqooyiga magaalada Paris.

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay howlgalka, Booliska waxa ay xaqiijiyeen inay jiraan Askar ka tirsan ciidankooda oo howlgalkaasi ku dhaawacmay.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya guriga la weeraray inay ku jiraan Afar ruux oo mid ka mid ah ay tahay haweenay halka saddexda kalena ay yihiin rag.

Howlgalka ayaa ah ilaa hada mid socda’ Booliska ma aysan bixin faah-faahin ku saabsan Khasaaraha ka dhashay howlgalkaasi.

 

Hiiraan

Hiiraan Xog

farasa 4 farasa 5 farasa farasa1 farasa2

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response