Ugaas Cabdiraxmaan oo ku Guuleystay in dib loo furo wada laamiga ee dhaxmarta Beledweyne,,

by Mohamed Abdi Saney | Tuesday, Nov 17, 2015 | 144 views

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas khaalif iyo Xubno ka Tirsan odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa galinkii dambe ee Maanta ku guuleystay in dib loo Furo wada laamiga oo Muddo Saddex maalin ay xireen Ciidamo maleeshiyada ah oo ka careysan diikii Madaxii ha’yada Miino barista Qaramada Midoobay ee Main Action ee Gobolka Hiiraan Mahadi Xuseen Shiikhaal oo dhawan ay Toogteen Ciidamo ka Tirsan dowlada Soomaliya,

Inkasto lagu Guuleystay in la furo wada laamiga ee isku xirta Magalada Baladweyne iyo deegannada kale ee Gobollada dalka ayaa haddan Ciidamadii maleeshiyada ah dhawan xiray wada laamiga  ay hadda ku sugan yihiin Xeradii Ciidanka Daraawiishta oo ku Taala bartamaha Magaalada Baladweyne, kuwaaso Farisiin ka sameystay, iyago sheegay in aysan ka tageyn ila ay gacanta ku dhigan shaqsiyaadkii dilay Mahadi Xuseen shiikhaal,

Ciidamo maleeshiyada ah oo ay isku habey yihiin Marxuunka la dilay ayaa Muddo Saddex maalin xiray wada laamiga ee dhaxmarta Bartamaha Magaalada Beledweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan kuwaaso gabi ahaanba joojiyay gadiidkii u kala safrayay qeybo ka mid ah Gobollada dalka gaar gadiidka Xamuulka qaada oo Xoolaha nool ka dhoofiya Magaalada Baladweyne islamarkana sameeyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa Ganacsiga magaalada inta badan Xiran,

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas khaalif iyo odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa Tan iyo markii Magaalada Baladweyne lagu dilay Madaxii Ha’yada Miino barista Qaramada Midoobay ee Main Action ee Gobolka Hiiraan Mahadi Xuseen Shiikhal waday dadaalo la doonayo in lagu qaboojiyo Xiisada ka dhalatay dilka Marxuunka,

Hiiraanxog.com

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraanxog,

Beledweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir

Hiiraanxog@gmail.com

Sanka4229@gmail.com.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response