Kulamo looga hadlayo Xalinta khilaafkii ka dhashay Dilkii Mahadi Xuseen Shiikhaal oo ka Socda Beledweyne,

Kulamo iyo shirar Gooni Gooni ah oo looga hadlayo Sidii Xal looga gaari laha khiilaaf ka dhashay dilkii loo geystay Madaxii Ha’yada Miino Baarista qaramada Midoobay, ee Main Action ee Gobolka Hiiraan Allaha unaxariiste Mahadi Xuseen shiikhaal oo saddex maalin ka ka hor lagu dilay Magaalada Baladweyne,

Guddi ka kooban Todobo Xubnood oo wasarada Aminga Gudaha ay u xil saartay xalinta khaalifka ka dhashay dilkii Madaxii Ha’yada Miino barista QM ee Main Action Gobolka Hiiraan ayaa maanta kulamo kula qaadanaya odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan Xaruunta Taliska Ciidanka AMISOM ee duleedka Magaalada Baladweyne si ay wax badan uga ogaadan qabka uu dhacay dilkii loo geystay Mahadi Xuseen Shiikhaal oo madax ka ah Ha’yada Miino barista QM,ee Gobolka Hiiraan,

Marka laga soo tago kulamadan waxaa jira Ciidamo maleeshiyada ah oo ay isku habey yihiin Marxuunka la dilay oo maalintii saddex gacanta ku haya qeybo ka mid ah Magalada Baladweyne iyago Farisiin ka sameystay Xeradii Ciidanka Daraawiishta oo ku taalla bartamaha Magaalada , kuwaaso gabi ahaanba baaraya Gadiidka isticmaala wada laamiga ay ku jiran Ciidamada AMISOM iyago ka raadinaya in uu Saran yahay Guudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xassan Afrax oo lagu eedeyay in uu ka dambeyay dilka Allaha uu Naxariiste Madaxii ha’yada Miino barista QM ee Main Action ee Gobolka Hiiran.Mahadi Xuseen Shiikhaal oo saddex maalin ka hor Ciidamada dowlada ay ku dileen Magaalada Baladweyne,

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka HiiraanXog,

Beledweyne,Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir

Hiiraanxog@gmail.com

Sanka4229@gmail.com

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply