Guddi Xaqiiqo Raadin ah oo ka socda dowlada oo la filayo in ay Garaan degmada BeledXaawo,ee Gobolka Gedo,

by Hiiraan Xog | Tuesday, Nov 17, 2015 | 138 views

Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa Guddi Xaqiiqo Raadin ah uu saartay Xadgudubka dowlada keyna ay ka wado dhulka Soomaliya ee Xadka labada dalka, ayaa maanta lagu waada in ay garaan Magaalada Beledweyne Xaawo ee Gobolka Gedo,

Xubnaha Guddigan ayaa ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan Dowlada Federaalka Soomaliya kuwaaso, qiimeyn ku sameyn doona inta uu la eg yahay dhulka ay Kenya ku soo xadgudubtay iyo qaabka uu u socdo dhismaha ay kenya ka wado xuduuda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in wafdigan xaqiiq raadinta ee maanta tagaya Beled-Xaawo ay u kuur gali doonaan xaaladaha dhabta ee ka jirta Xuduuda.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo xubin ka ah wafdiga ayaa sheegay inay kormeeri doonaan xuduuda, waxaana uu xusay in wixii ay meesha ku soo arkaan u gudbin doonaan Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Guddoomiyaha degada Beled-Xaawo Yuusuf Maxamed C/qaadir ayaa sheegay in dowladda Kenya ay joojisay howlihii calaamadeynta ay ka waday xadka, waxaana uu tilmaamay in sabata ay u joojiyeen ay tahay markii ay si aad ah uga qeyla dhaamiyeen mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Kenya aysan ka taansulin damaceeda, isla markaan ay dhici karto inay dib u billaabi doonto arrintan.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response