Ward Dag Dag Ah Dagaal Xogan Oo Ka Qarxay Degaanka Golweyn Ee Sh/Hoose’

by Hiiraan Xog | Monday, Nov 16, 2015 | 150 views

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo  Al-shabaab uu ka soconayo inta u dhexeeysa Magaalada Buula-mareer iyo Degaanka Golweyn oo ka wada tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya  iyo  kuwa AMISOM ay jidka u galeen Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Goobjoogeyaal ku sugan Golweyn ayaa warbahinta u sheegay in dagaalka uu yahay mid Culus oo dhinacyada Dagaalamaya ay isku Adeegsanayaan Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Wali lama Ogaan karo Khasaaraha rasmigaa ee ka dhashay Dagaalka ka soconaya inta u dhexeeysa Golweyn iyo Buula-mareer Sababtoo ah Dagaalka ayaa wali soconaya.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose oo aan la Xariirnay si aan wax uga Ogaano dagaalka ayaa ka gaabsaday in ay Tafaasiil ka bixiyaan Dagaalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dhulka lagu Dagaalamay uu yahay meel ay dagan yihiin Dad Reer Guuraa ah.

wixi ka soo kordho kala soco warkena danbe.

Hiiraan Xog

Muqdisho- Somalia

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response