Tababare Ancelotti, Oo Markale Soo Kiciyay Hamiga Kooxa Horyaalka Ingiriiska Sheegayna Inuu Dooqiisa Kobaad Yahay Premier League.

by Mohamed Abdi Saney | Monday, Nov 16, 2015 | 121 views

Tababaraha Talyaaniga ah, ayaa shaqadiisii Real Madrid kuwaayay Koob la,aan dhamaadkii xilli ciyaareedka hore 2014-15, sidaas si lamid ah ayaa looga ceyriyay shaqada kooxda chelsea, sadex sano uu macalin u ahaa intii u dhaxeysay 2009 iyo 2011.

Kooxdiisii hore ee Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 16-aad xilli ciyaareedkan, Ancelotti ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Stamford Bridge si shaqada uu uga badalo Macalin Jose.

56-sano jirkan ayaa sheegay in uu isha kuhayo inuu u dhaqaaqo England,.
“Waxaan khibrad cajiib ah kasoo helay France iyo Spain,” Ancelotti ayaa u sheegay BBC Radio 5 Live.

“Waxa ugu muhiimsan waa in aad kasoo bilowda kow,. Si aad u hesho koox leh mashruuc wanaagsan oo tartameysa Haddii ay noqoto koox England ah, waa ay fiican tahay.”

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response