Sergio Aguero, Oo Amaan Ugu Qubeeyay Xidigaha Sanadkan Ay Soo Qaadatay Kooxdiisa Manchester City, Kevin De Bruyne iyo Nicolas Otamendi

by Mohamed Abdi Saney | Monday, Nov 16, 2015 | 146 views

Sergio Aguero ayaa sugi la soo laabashadiisa iyo in uu tababar la qaato kooxda Manchester City iyo xidiga dhawaan galka ah ay isku kooxda yihiin ee Kevin De Bruyne.

City ayaa waxaa kamaqnaa weeraryahankeeda Aguero, garoomada muddo lix isbuuc ah,ka dib dhaawac muruqa ah laakiin waxaa laga war sugayaa soolabashadiisa kulanka Liverpool ee sabtida.

De Bruyne, ayaa kasoo wareegay kooxda Wolfsburg lacag dhan £ 54million xagaagii, wuxuu dhaliyay lix gool wuxuu kaloo sameeyay lix caawin 14 kulan u saftay City.

Aguero ayaa haatan lasoo sheegayaa inuu kala dhaxeeyo isfahan fiican De Bruyne, wuxuuna yiri, maruu kahadlaayay, “Runtii aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah waxaan qabaa in kooxda ay sameeyeen xoogaa weyn oo ganacsi ah si ay ukeenaan Kevin.”

“Waxaan mar walba ku faraxsanahay in ciyaaryahan tayo leh uu soo gaaro city, hubaashiina waa wax weyn.Man-City-vs-Newcastle

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response