Kooxaha, Real Madrid Iyo Manchester United Oo Isku Heysta Xidiga Garabka Uga Ciyaara Arsenal Alexis Sanchez,

by Mohamed Abdi Saney | Monday, Nov 16, 2015 | 138 views

Manchester United ayaa kor uqaadeysa dalabka weyn ay kudooneyso xiddiga Arsenal Alexis Sanchez, halka Real Madrid ay sidoo kale dooneyso ciyaaryahanka reer Chile, sida uu sheegay, Don Balon.

Louis van Gaal, ayaa la ogaaday in uu doonayo ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee leh xawaaraha iyo hal-abuurka, ee Sanchez si uu ugu jabiyo sanduuqa kooxda,

Arsenal ayaa iydana doonaysa inay ceshato xiddigooda, laakiin Red Devils, ayaa qaadan karta goan ku aadan mawqifkeeda rabitaanka ciyaaryahanka kaasoo laga yaabo inuu maro wadadii, Robin van Persie, uu ugu danbeyn kaga soo wareegay waqooyiga London una wareegay Manchester.

Dhanka kale, Madrid ayaa u aragta Sanchez badalka waqtiga dheer Cristiano Ronaldo iyaga oona wali kuraad jooga garabka Chelsea ee Eden Hazard,

Macalinka reer Chile ayaa yiri ma awoodo inaan is barbar dhigo, Alexis iyo Ronaldo, laakiin Madrid waxey rumeysan tahay inuu noqon doono xiddiga kubada cagta caalamka, iyada oo uu si joogto ah ukoraayo waxaan laga filan karaa hormar weyn sanadaha soo socda.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response