Guddi loo Saaray dilkii Madaxii Ha’yada Main Action ee Gobolka Hiiraan oo Gaaray Beledweyne,

by Mohamed Abdi Saney | Monday, Nov 16, 2015 | 198 views

Wasarada Aminga Guudah Xukumadda Soomaliya ayaa Guddi ka kooban Todobo Xubnood u saartay dilkii Madaxii Ha’yada Miino baarista Qaramada Midoobay ee Main Action ee Gobolka Hiiraan oo labo maalin ka hor lagu dilay Magaalada Baladweyne ayaa Gordhow ka soo degay Garoonka diyaarada Ugaas khaliif ee Magaalada Beledweyne,

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaarada ku soo dhaweyay Xubno ka Tirsan Maamulka degmada Baladweyne iyo Saraakiisha Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM kuwaaso had kulamo kula qaadanaya Saraakisha Ciidamada iyo Maamulka degmada Baladweyne Xaruunta Taliska Ciidan AMISOM ee duleedka Magaalada ila iyo hadda wax faah faahin warbaahinta kama siin ujeedka ay u yimadan inkastoo la rumeysan yahay in u jeedka safrkooda uu ku saleysan yahay sidii ay baaritaan ugu sameyn lahayeen dilkii Allaha uu naxariiste Mahadi Xaseen Shiikhaal oo dhawan Ciidamada dowlada ay ku dileen, Magaalada Beledweyne.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka socda dadaalo la doonayo in lagu Xaliyo khaalif ka dhashay dilkii loo geystay Madaxii Ha’yada Miino baarista Qaramada Midoobay ee Main Action Marxuun Mahadi Xuseen shiikhaal. Taaso keentay in Maleeshiyad ay isku habey yihiin Marxuunka la dilay ay Xirteen wada laamiga ee isku Xirta Magaalada Baladweyne iyo qeybo ka mid ah Gobollada dalka.

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraanxog.

Beledweyne,

Soomaliya,

Naga la soo Xiriir

info@Hiiraanxog.com.

Saney@Hiiraanxog.com

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response