DAAWO SAWIRADA: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka Daah furay shirka wadatashiga Qaran.

by Mohamed Abdi Saney | Monday, Nov 16, 2015 | 159 views

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka wadata-shiga Qaran ee looga tashanayo nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadka soo socda ee 2016-ka.

Shirka Muqdisho ka furmay ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta gobollada, Banaadir, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, iyadoo lagu marti-qaaday marti-sharaf kale oo matalayay gobollada shirkan ka qayb-galaya.

Waxaa shirkan inta uu socdo looga hadli doonaa nooca doorasho oo dalka ka dhici doonta markuu dhammaado xilliga dowladda hadda talada haysa oo ku aaddan dhamaadka 2016-ka daba-yaaqadeeda, xilligaasoo la sheegay in dalka ay ka dhici doonto.

Xubnihii ka hadlay furitaanka shirka ayaa iyaguna sheegay inay tani fursad weyn u tahay Soomaaliya, maadaama la qabanayo doorasho lagu soo xulayo madaxa dalka hoggaamin doona sannadaha xiga 2016-ka.

Dhanka kale, waxaa shirar noocan oo kale ah ay ka dhacayaan magaalooyinka; Baydhabo, Kismaayo iyo Garoowe, iyadoo shirarkan ay daba-socdaan madashii wadatashiga Qaran ee doorashooyinka dalka ee kal hore lagu qabtay Muqdisho.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shirka maanta furmay looga hadli doono sidii loo jaan-goyn lahaa doorashada Somalia ka dhacaysa sannadka soo socda, isagoo ku boorriyay ka qayb-galayaasha inay si qoto-dheer uga doodaan doorashada ka dhici doonta dalka nooca ay noqonayso.

20151116635832613454128888Shirka_Wadatashiga_Doorashada (2)20151116635832609377818460Shirka_Wadatashiga_Doorashada (9)20151116635832586589497362Shirka_Wadatashiga_Doorashada (3)20151116635832588558820315Shirka_Wadatashiga_Doorashada (11)20151116635832583775433450Shirka_Wadatashiga_Doorashada (6)20151116635832582593022197Shirka_Wadatashiga_Doorashada (1)20151116635832585245529429Shirka_Wadatashiga_Doorashada (12)20151116635832623877771816Shirka_Wadatashiga_Doorashada (8)

 

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response