CR7 Oo Ciyaaraya El Clasico-diisii Ugu Danbeysay Iyo Wararkii Kale Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta.

by Mohamed Abdi Saney | Monday, Nov 16, 2015 | 346 views

Suuqa kala iibsiga ayaa dib u furmaya bisha Janaayo waxaana inaga xigta lix isbuuc, ka horse wargeysyada ayaa sii qoraya warar xan ah oo la xiriira suuqa kala iibsiga, waxaana maanta idiin soo uruurinay wararkii ugu waa weynaa ee ay qoreen waregsyada Ingariiska.

Ciyaartoyda France ayaa doonayay in kulanka habeen danbe ee saaxiibtinimo ee ay la leeyihiin England in baajiyo ka dib weeraradii Paris, laakiin ugu danbeyn waxa ay go’aansadeen inay ciyaaraan. (The Times)

Lionel Messi ayaa u furan inuu ka tago Barcelona una dhaqaaqo Premier League, iyadoo Arsenal ay tahay kooxda uu doonayo. Laakiin 28 jirkaan ayaa doonaya mushahar 600 kun ginni isbuucii. (Daily Star)

Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski wakiilkiisa ayaa sheegay in Real Madrid ay xiiseyneyso inay la wareegto 27 jirka reer Poland. (Marca)

Kubadsameeyaha Arsenal Mesut Ozil ayaa qaab ciyaareedkiisa fiican ee xilli ciyaareedkan waxaa lagu abaalmarin doonaa qandaraas cusub uu u saxiixo Gunners. (Daily Mirror)

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa inuu sabtida ciyaaro kulankiisii ugu danbeysay ee El Clasico sida ay sheegeen ilo ku dhow kooxda Bernabeu ka dhisan, iyadoo la filayo inuu xagaaga ka tago Madrid. (Daily Mail)

Ronaldo ayaana loo ogolaan doonaa inuu ka tago Real Madrid haddii ay dib u helayaan 80kii milyan ginni ay 2009kii kaga soo iibsadeen Manchester United. (The Sun)

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Red Star Belgrade 19 sanno jirka Marko Grujic ayaa waxa uu fariin ka helay ninka ay isku wadanka yihiin Nemanja Matic in Chelsea ay dooneyso inay la wareegto isaga. (Daily Express)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay kansasho heshiiska amaahda ah ee Monaco kala soo wareegtay Radamel Falcao, iyadoo kooxda reer Spain ee Valencia ay dooneyso inay la wareegto 29 sanno jirka. (Daily Mirror)

Weeraryahanka Juventus Alvaro Morata ayaa lala xiriiriyay inuu dib ugu laabanayo Real Madrid laakiin 23 jirkaan ayaa sheegay inuusan dooneynin inuu ka tago kooxda Serie A ka dhisan. (Marca)

Goolhayaha Arsenal Petr Cech ayaa sheegay inay adag tahay in la aamino xaalada ay ku jirto kooxdiisa hore ee Chelsea kuwaasoo ku jira kaalinta 16aad ee horyaalka Premier League. (London Evening Standard)

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response