Ciidamo maleeshiyada ah oo maalintii labada gacanta ku haya qeybo ka mid ah Baladweyne iyo Wafdi ku wajahan

by Mohamed Abdi Saney | Monday, Nov 16, 2015 | 195 views

Ciidamo maleeshiyada ah oo ay isku habey yiihiin Madaxii Ha’yada Miino Baarista Qaramada Midoobay ee Gobolka Hiiraan ee Main Action Mahadi Xuseen Shiikhaal oo labo maalin ka hor lagu dilay magaalada Baladweyne ayaa maalintii labada gacanta ku haya qeybo ka mid ah Magaalada kuwaaso gabi ahanba xiray wada laamiga ee isku xirta magaalada Beledweyne iyo qeybo ka mid ah Goboollada dalka.

Goobaha ganacsiga Xafiisyada hay’adaha samafalka iyo xarumaha waxbarashada ayaa qarkood Xiran Maadaamm Ciidamada maleeshiyada ah ay xireen wada laamiga ee dhaxmarta Bartamaha magaalada Baladweyne kuwaaso Gabi ahaanba joojiayay gadiidkii isticmaali jiray wada laamiga.

wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in la magacabay Guddi ka kooban Todobo Xubnood oo baaritaan ku sameeya dilka loo geystey sarkaal u shaqeynayay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan miinooyinka Mine Action.

Wafdi ka socd dowlada Federaalka ayaa Gordhow ka filaya in ay gaaran magaalada Baladweyne kuwaaso qeyb ka noqon doona dadaalo la doonayo in lagu xaliyo khaalifka ka dhashay dilka Madaxii Ha’yada QM ee Main Action ee Gobolka Hiiraan Allaha uu naxariiste Mahadi Xuseen shiikhaal oo labo maalin ka hor Ciidamada dowalda ay ku dileen Magaalada Baladweyne,

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraanxog,

Beledweyne,

Soomaliya.

Nagala Soo Xiriir,

info@Hiiraanxog.com

Saney@Hiiraanxog.com

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response