Guudoomiyaha ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan oo Tacsi u diray Eheladii uu ka Geeriyooday Mahadi Xuseen Shiikhaal,

by Mohamed Abdi Saney | Sunday, Nov 15, 2015 | 156 views

Guudoomiyaha ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulaahi Buraale(Raxeeye) ayaa Tacsi uu diray dhamaan Eheladii iyo qarabadii uu ka geeriyooday Allaha uu naxariiste Madaxii Ha’yada Miino barista QM ee Main Action ee Gobolka Hiiraan Mahadi Xuseen Shiikhaal oo maalintii shalay lagu dilay Magaalada Beledweyne,

‘’ INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN,Waxan halka Tacsi uga diraya Anno ku hadlaya magaceyga iyo magaca ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan Eheladii Asaxaabtii iyo Qarabadii uu ka geeriyooday Allaha uu naxariiste Mahadi Xuseen Macow (Mahadi shiikhaal) oo shalay ku geeriyooday magaalada Baladweyne waxan alle ugu bareyna in uu janadii fardowsa ka waraabiyo Marxuunka Samir iyo iimaan ka siiyo dhamaan qarabadii iyo Eheladii uu ka geeriyooday Aamiin Aamiin Aamin ayuu’yiri Guudoomiyaha ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulaahi Buraale Raxeeye,

Marxuunka ayaa uu geeriyooday dhawac ka soo gaaray Rasaas Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada ay ku fureen Gaari uu watay Allaha uu naxariiste Madaxii Ha’yada Miino barista Qaramada midoobay ee Main Action ee Gobolka Hiiraan Mahadi Xuseen shiikhaal

Mahdi_Xuseen_oo_Baladweyne_lagu_dilay_660

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraanxog,

Beledweyne,

Soomaliya,

Naga la Soo Xiriir

info@Hiiraanxog.com.

Saney@Hiiraanxog.com.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response