Ciidamo Maleeshiyada ah oo Gadiidka Xamuulka qaada u diiday in ay ka baxan Beledweyne,

by Mohamed Abdi Saney | Sunday, Nov 15, 2015 | 193 views

Ciidamo Maleeshiyada oo subaxnimadii hore ee Saaka Xiray wada laamiga ee dhaxmarta Bartamaha Magaalada Baladweyne ayaa Gadiidka Xamuulka qaada uu diiday in ay ka baxan magaalada kuwaaso ku siijeedey deegannada puntand Somaliland iyo Galmudug islamarkana Xoolaha nool ka dhoofinayay magaalada Baladweyne,

Maleeshiyaadkan ayaa ka careysan dil shalay Magaalada Baladweyne loogu geystay Madaxii Ha’yada Miina barista Qaramada Midoobay ee Main Action ee Gobolka Hiiraan Allaha uu naxariiste Marxuun Mahadi Xuseen Macow(Mahadi shiikhaal), kaaso ay dileen Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada Soomaliya eek u Sugan Gobolka Hiiraan iyado ila hadda la ogeyn Sababta ka dambeysay dilka Marxuunka,

Dadka ku nool Magaalada Baladweyne ayaa si weyn ugu naxay dilka Allaha u naxariiste Madaxii Ha’yada Miina barista QM ee Main Action ee Gobolka Mahadi Xuseen Macow iyado Saaka Marxuunka lagu Aasay Magaalada Baladweyne,

Goobaha ganacsiga ee ku yaalla bartamaha Magaalada Baladweyne ayaa qarkood xiran yihiin iyado dadka ay ka cabsi qaban in iska horimaad dhaxmaro Ciidamada dowalda iyo maleeshiyadan maanta Gabi ahaanba xirtay wada laamiga,

Maamulka Gobolka Hiiraan kan degmada Beledweyne Saraakiisha Ciidamada dowlasda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin dilka Sargaalkan ka Tirsan Ha’yada mina baarista QM ee Main Action ee Gobolka Hiiraan iyo Ciidamadan maaleeshiyad ah ee xiray wada laamiga ee dhaxmarta Baladweyne kuwaaso gaabi ahaanba gadiidka Xamuulka qaada uu diiday in ay ka baxan Beledweyne,

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraanxog,

Beledweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir

info@Hiiraanxog.com.

Saney@Hiiraanxog.com

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response